Wararka Naga Soo gaaraya Deegaanka Qalan qale oo ku dhow Magaalada Dhuusa Mareeb ,islamarkaana kaga beegan dhanka Waqooyi ayaa sheegaya in uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Laba Beelood oo Wada degan halkaasi.
Inta la xaqiijiyay hal Qof ayaa Dhintay 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen Dagaalka.
Qaar ka mid ah dadka kunool deegaanka Qalan Qale ayaa idaacadda Risaala u sheegay in dagaalka uu salka ku haayay anooyin Qabiil .
Xiisad u dhaxeysa beelihii dagaalamay ayaa deegaanka ka taagan sida ay inoo sheegeen Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Galgaduud.


