DHAGEYSO: Maxaad ka taqaanaa maalinta 12 october

12 October 1954tii  waa maalintii la sameeyay calanka soomaaliyeed ee maanta ka lulanaya gayiga Soomaaliya iyo dalalka kale ee aan xiriirka la leenahay ee caalamka.

Iskama iman maalintani waxaa dhexda u xirtay ururkii gobanimo doonka ahaa ee SYL ee dagaalka ba’an kula jiray gumeeystihi taliyaaniga kuwasoo ujeedkoodu ahaa heeryo ka rogida soomaaliya cadowga daashaday kuwa ku guuleystay hadafkii ay la haayeen.

Waxaa mar qura ciida soomaaliya laga taagay 1960kii calankan quruxda badan ee sumada inoo ah kasoo heliddiisa ay ku dhinteen kuna naafobeen muwaadiniin ka dhiidhinayay  joogista dhulka soomaalida gumeystayaashi wadanka soo maray.

Calanka Soomaaliyeed ayaa leh xusuuso u gaara,durbadiiba markii uu dhashay calanka astaanta qaranka Soomaaliyeed waxaa afkooda furtay abwaannadda Soomaaliyeed oo jacaylka iyo farxadda ay calanka u qabaan ku muujiyey Suugaan heeso iyo gabayaba lahayd.

Waxaana ka mid ahaa Suugaanta dhaxalgalka ah ee tilmaamaysa qiimiga calanka Soomaaliyeed  gabaygii gabyaagii weynaa Alle ha u naxariistee C/llaahi Suldaan Tima cadde ee halku dhigiisu ahaa“saaxirkii kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamow aan Siduu yahay eegnee kanna siib kanna Saar”.

Waxaana sidoo kale ka mid ah Suugaanta lagu weyneeyo calanka Soomaaliyeed heesta ay ku luuqeeyaan hobolada qaranka Waaberi ee  “Maanta waa dharaartaan gobanimada dhalinee calankeenna dhidibnee,Calanyahow ha dhicin ha dheeliyin waligaa dhisnoow waaqaa dhisnoow”.

Cabdulqaadir Dheere Xaaji Dheere oo ah wiil u dhalay mid ka mid ah Halagamayaashii Calanka Soomaaliya ayaa si qiira leh uga hadlaaya qiimaha ay maanta oo kale ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed.