Sergio Ramos oo ku soo laabtay Tababarka Real ka hor Kulanka El Clasico

Daafaca Kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa ka qeyb galay tababarkii maanta isagoo diyaar u ah kulanka  El Clasico ee sabtida.

Ramos ayaa laga soo saaray liiska ciyaaryahanadii qaranka Spain ee matalay kulankii Romania kadib calool xanuun soo wajahay, waxaana uu isha ku hayaa kulanka Camp Nou.

Kooxda Real Madrid ayaa bogeeda Twitter-ka soo dhigtay in 29-jirkaan uu qeyb kooxdii maanta tababarka kasoo qeyb galay.

Qaar kale oo kamid ah ciyaaryahanada kooxda Real ayaa kamid ahaa ciyaaryahanadii tababarka qaatay maanta waxaana kamid ahaa Luka Modric, Isco iyo Mateo Kovacic.

Wiilasha macalin Zinedine Zidane ayaa usafraya Camp Nou iyadoo ku jirta kaalinta sedexaad ee kala horeynta horyaalka, waxaana ay 10 dhibcood ka hooseeyaan hogaamiyaasha horyaalka ee Barcelona xili horyaalka 8 kulan uu ka harsan yahay.