Maxkamad ku taala dalka faransiiska ayaa waxa ay maxkamada soo taagtay 7 dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo ku eedeysan inay afduubeen markab Faransiisku leeyahay, ayna dileen milkiilihiisii oo Faransiiska u dhashay, xaaskiisiina ay afduubeen.
Waxaa haweeneyda soo badbaadiyay ciidan Spanish ah kaddib markii lagu wareejiyay doon ay burcad-badeeddu wadatay.
Raggan la tuhunsan yahay waxay muteysan karaan xabsi daa’in haddii dembigaas lagu caddeeyo.
Shilkaasi waxaa uu dhacay sanadkii 2011 markaas oo burcad-badeedda Soomaalidu ay meesha ugu sareysa maraysay. Aad ayay hoos ugu dhacday taasoo ay ugu wacan tahay ilaalada maraakiibta caalamiga ah iyo joogitaanka waardiyeyaal gaar ah oo saaran maraakiibta.


