Ninkan ayaa loo haystay qaxyadii ka dhacay Brussels todobaadkii hore.
Waxay sheegeen in caddaymaha ka dhanka ah Faysal loo haynin wax muujinaya
Waxaa la aamisanaa inuu yahay nin laga arkay kaamarada qarsoon ee garoonka Zaventem
Waxuuna markaasi la socday laba qof oo kale oo la sheegay in laga shakisan yahay
Laakin booliska Belgium waxay iminka shaaciyeen video dheeraad ah
Waxayna codsadeen in laga caawiyo sidii loo raadraaci lahaa ninkii koofiyada qabay
Arrintan ayaa dharbaaxo kale ku ah baaritaanka qaraxyada oo ay 35 qof ku dhinteen
Xus loo sameeyey dadkii ku waxyeelloobay qaraxyada ayaa lagu qabtay kaniisad magaalada ku taalla


