Schweinsteiger Oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester United ahna kabtanka Germany Bastian Schweinsteiger ayaa ka fariistay ciyaaraha caalamiga,

Schweinsteiger, oo dhawaan kala qeyb galaya xulkiisa Germany Euro 2016 ayaa raacay wadad ninka saxiibka ay yihiin ee Bayern Munich Philipp Lahm.

Ciyaaryahanka khadka dhaxe ayaa 15-kulan oo tartanka koobka qaramada Yurub ah usaftay qarankiisa rikoorkaas oo uu la wadaaago daafacii hore ee xulka Lahm,

xiddigan 31-sano jirka ah, ayaa kala wareegay kabtanimada xulka Lahm ka dib guushii koobka adduunka 2014, waxaa uu kula guuleysatayb qarankaan mudadii uu u ciyaarayay koobka adduunka oo laba sano ka hor lagu qabtay dalka Brazil.

Schweinsteiger, ayaa kulankiisii ugu horeyay ee caalamiga ah u saftay xulka Germany June 2004, waxaana uu ka fariistay xulka maanta oo jimco ah 29 July 2016.