27 Jir Ku Sugan 12 Sano Camp Nou Oo Ka Dalbaday Barcelona In Ay Iska Iibiso

Goolhayaha dooqa seddexaad ee kooxda Barcelona Jordi Masip ayaa codsaday in uu ka tago kooxda si uu u helo fursad uu isugu muujito xirfadiisa kubada cagta.

Masip ayaa kooxda Barcelona ku qaatay 12 sano, laakiin waxa uu u saftay kaliya labo kulan kooxda koowaad, lix sano ayaana sidookal kamid yahay Barcelona B.

27-sano jirkaan ayaa ka dambeeya Marc-Andre ter Stegen iyo Claudio Bravo waxaana uu hadda kujiraa sanadkii ugu dambeeya ee qandaraaskiisa kooxda ,isagoo qiray sida uu u jeclaan lahaa in uu ka tago waqtigaan,

Waxaan mar walba ku faraxsanahay kooxda Barcelona – waxaan ku riyaaqay waqti wanaagsan, “ayuu yiri.

“Waxaan ahay mid hadda doonaya in uu soo gabagabeeyo waayihiisii dheeraa ee kooxda Barcelona.

“Waxaan doonayaa inaan ciyaaro kulamo badan si ay taas u dhacdaa waa in aan ka tagaa halkaan ayuu hadalkiisa ku daray goolahyaha dooqa sadexaad ee kooxda Barcelona Jordi Masip.