Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Maamulka Hir-habeelle laga dareemay hoos u dhac dhinaca Biyaha iyo Gurnaansho laga dareemay Wabiga Shabeelle ee mara deegaano ka tirsan Gobolada hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Deegaanada hoos u dhaca Biyaha ee Wabiga Shabeelle lag dareemay ayaa waxaa ka mid ah degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan,waxaana mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada ay booqdeen goobaha Wabiga uu ka maro degmadaas.
Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay kala ahaayeen Duqa dagmada Buula-Burde Maxamed fiidow Cawaale iyo guddoomiye ku xigeenka Amniga Cismaan Geedi,iyaga oo kormeer ku tagay Goobaha uu maro Wabiga Shabeelle.
Duqa dagmada Buula-Burde Maxamed fiidow Cawaale ayaa sheegay in Wabiga Biyaha ee xilligaan aysan wanaagsaneyn,isaga oo u sababeeyey in Wabiga uu guray dadka qaarna ay wali cabayaan biyaha haraadiga ee ku jiro.
Waxaa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka, Maamulka Hir-Shabeelle, Hay’adaha Samafalka in gurmad loo sameeyo dadka noloshooda ay ku tiirsan tahay Biyaha Wabiga si ay u helaan biyo nadiif ah.




