Wakiilka Bale oo albaabka u furay kooxaha Premier League

Wakiilka Gareth Bale ayaa albaaabka u furan kooxaha Premier League sida laga soo xigtay Daily Mirror.

Wakiilka lagu magcaaabo Jonathan Barnett ayaa dhaleeceeyay taageerayaasha Real Madrid, waxaana uu aaminsan yahay inaysan ixtiraameynin ciyaaryahanka reer Wales.

Kooxaha Ingriiska sida Chelsea, Tottenham iyo Manchester United ayaa rajeynaya inay Bale ku celiyaan Premier League.

Intaa waxaa dheer, Florentino Perez ayaa qorsheynaya inuu dib u dhis ku sameeyo kooxda xagaagan, waxaana loo arkaa Bale mid ay ka maarntay kooxda.