(SAWIRRO) Waare oo lagu Caleemo Saaray Jowhar iyo Madax ka qeyb gashay

Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe maanta waxaa ka dhacday Munaasabad lagu caleema saarayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiiro, Xildhibaano, xubnaha Beesha Caalamka oo ugu horeeyay Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Caleemo Saarka.

Munaasabadan ayaa waxaa Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ay ugu hambalyeeyeen uguna duceeyeen Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyaga oo sidoo kale khudbadihii ay jeediyeen uga hadlay Qaraxii Zoobe.

Sidoo kale Masuuliyiinta ayaa waxa ay sheegeen inay muhiim tahay in hal dhinac looga soo wada jeesto dagaalka Shabaab, si looga saaro guud ahaan dalka.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadan ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Hirshabeelle inuu si cadaalad ah ugu shaqeeyo shacabkiisa, si aanay u imaan eex iyo kala tabasho.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Hirshabeelle ee maanta la caleema saaray ayaa u mahadceliyay madaxdii ka qeyb gashay munaasabada caleema saarkiisa, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii bulshada uu ugu shaqeyn lahaa si cadaalad ah.