SAWIRRO: Tuutihii ugu dambeeyay ee Ciidanka xoogga oo la arkay xubno Shabaab ah oo xiran

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Shabaab oo Fagaare ku yaal Degmada Jilib lagu arkay iyaga oo wata tuutihii ugu dambeeyay ee ciidamada 14-October loo qaybiyay.

Waxaa xusid mudan 14-Bishii July, Rag hubaysan oo Afar gaaraya inay weerareen Koontaroolka Ciidanka Beerta Nabadda ay ku leeyihiin, iyaga oo xiran tuutaha Ciidanka 14-October, halkaasina lagu dilay.

Abuu Cabdalla oo ka mid ah Saraakiisha Shabaab, ayaa ka mid ah xubnaha xiran tuutaha Ciidanka 14-ka October ee Sawiradooda la arkay.

Waxay kaloo Al Shabaab soo bandhigeen gaadiid leh astaamaha gawaarida milateriga ee dawladda Soomaaliya.