Ronaldo oo sharraxay qaabka uu ku helay Lambarka 7 ee kooxda Juventus

Lambarka 7-aad ayaa ah mid uu si aad ah u jecelyahay weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Captain-ka Portugal ayaa si sahlan ku helay lambarkan durba markii uu kasoo dhaqaaqay kooxda Real Madrid oo uu usoo xirtay, halka Manchester United ay ahayd koox uu iyadane usoo xirtay.

Ronaldo oo la hadlay DAZN ayaa qeexay inuu kala hadlay kooxda lambarka 7, ka dibne uu Juan Cuadrado ka dalbaday.

Laacibka reer Colombia ayaa si sahlan uga aqbalay Ronaldo, isla markaasna u haddiyeeyay isagoo kusoo bandhigay bartiisa Instagram-ka sawir uu sare u haayo maaliyadda lambarka 7 oo dusha dambe kaga qoranyahay ‘Ronaldo’.

Cuadrado ayaa markaas ka dib xirtay lambarka 16-aad ee Bianconeri, halka lambarka 7 ee maaliyadda Real Madrid uu yahay mid bannaan.