SAWIRRO: Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir oo soo booqday Xarunta Idaacadda Risaala

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo ku xigeenka Koowaad ee dhanka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo qaar ka mid ah Mas’uuliinta kale ee gobolka ayaa koormeeray Xafiisyadda Idaacadda.

Idaacadda Risaala ayaa maanta waxaa lagu bilaabay dib u habeyn loogu tala galay in lagu ballaariyo Maqalka Idaacadda iyo sidoo kale Adeegyadda ay qabato.

Gudoomiye Yariisow ayaa xarunta Idaacadda Risaala waxaa kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Risaala Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay Shaqadda Idaacadda Risaala ay u heyso Bulshadda Soomaaliyeed, waxaana maamulka iyo shaqaallaha uu kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan.

Idaacadda Risaala oo jirta Muddo 7 Sano ah ayaa lagu xasuustaa Barnaamij badan oo Bulshadda danyarta waxbadan kusoo kordhiyay in idaacaddu ay baahisay,islaamarkaana dadka Soomaaliyeed ay kala qeyb qaatay Marxaladdihii adkaa ee lasoo maray.