SAWIRRO: Madaxweynha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyey Addis-ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, Mas’uuliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.