Sh/Hoose-RisaalaFM- Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Xoogga Dalka oo shalay Al-shabaab kala wareegay degaanka Baladul Amiin oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa degaankaasi ku qabtay Kartooman la dhex geliyay Qaraxyo iyo Hub ay lahaayeen Shabaab.
Qaraxyada iyo Hubka ay Ciidanka Danab qabteen ayaa ururka Al-shabaab waxa ay ku xareeyeen guri ku yaalla degaanka Baladul Amiin ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Danab ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Saddex Kartoon iyo Sanduuq ay ku jiraan Qaraxyo iyo Rasaas oo yaallay guriga.
Sidoo kale Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Telefoono ururka Al-Shabaab ay isticmaali jireen.
Degaanka Baladul Amiin oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa wuxuu hoostagaa degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.
PHOTOS:- Abdiwahid Ahmed Geddi Isse









