Muqdisho-RisaalaFM- Wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan kuwa gala xarumaha Dowladda iyo ilaha dhaqaalaha dalka ayaa waxaa lagu kordhiyay Askari jiifa, si sugidda ammaanka loo kordhiyo.
Askari Jiifa hadii aan ka bixino sharaxaad kooban, maadaama Soomaalida oo dhan aysan ilsa fahim karin waxaa loola jeedaa, buuro yar yar oo lagu dadbay laamiyada waa weyn ee ku wanaagsan ku socoshada Gawaarida, waliba si xawaare leh.
Ujeedada sidaasi loo sameeyay ayaa Hay’adaha ammaanka waxa ay inoogu sheegeen in la yareeyo shilalka oo ka dhasha gaadiidka oo si xawli ah loo kaxeeyo, Gaadiidka Ciidamada ay ka shakiyaan ee si munaasab aanan ahyen ku mara baraha kontoroolada ee ciidamada iyo in xitaa Gaadiidka ay ka ilaaliyaan burbur soo gaara.
Wadooyinka Muqdisho qaarkood horey ayaa loogu sameeyay Askariga Jiifa, balse waxaa dhowaan lagu kordhiyay wadooyin kale oo hor leh, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wadada Isgoyska Ceel-gaabta ka gasha Madaxtooyada ee ka timaada dhanka xabsiga dhexe, wadada KM4 ka baxda ee aada dhanka Garoonka Diyaaradaha, wadada ka timaada isgoyska Howlwadaag ee soo aada dhanka Sayidka iyo xitaa wadada ka baxda Muqdisho ee aada xaafada Daaru-salaam.
Wadooyinka qaar keliya looguma simin Askari Jiifa oo waxaa loogu daray in dhinac dhinac loo dhigo dhagaxaanta Difaaca, taasi Darawalka Gaariga kaxeynaya u qasbeysa inuu si taxadar leh oo leex leexasho ay ku jirto u wado gaariga.
Askariga jiifa ee lagu kordhiyay wadooyinka Muqdisho ayaa wuxuu isbedel ka geysanayaa sugidda ammaanka Muqdisho, maadaama Gaarigii Hay’adaha ammaanka ay ka shakiyaan aysan u suuragaleyn inuu si sahal ah ku baxsado.
Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in cabasho ay ku tahay Ciidamada Dowladda Federaalka ee baraha kontoroolada ku leh wadooyinka, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in aysan sameyn baaritaano ku dhisan feejignaan, hadana ay isku xayiraan baabuurta.
Ciidamada Dowladda Federaalka ee baraha kontoroolada ku leh Muqdisho ayaa waxa ay sameeyaan Gawaarida in ay saf dheer geliyaan, kadibna halkaasi ka dhasho ciriiri, oo ay u dheer tahay in qofka keliya la fiiriyo, kadibna iyada oo aan la baarin la sii daayo.
Weli waxaa taagan caqabad ah in qofka muwaadinka ah lagu weydiiyo Aqoonsi Dowladeed Wadooyinka qaar ee Muqdisho, taasi oo cadeyneysa in weli uusan dhaqan galin go’aankii Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Islow (Ducaalle) uu sheegay 21-kii September ee sanadkan, kaasi oo ahaa in shacabka Muqdisho aanan wadooyinka Muqidsho lagu weydiin doonin Aqoonsi Dowladeed.
Dowladda caqabad ugu weyn ee dhanka amniga ka heysata waa ururka Al-shabaab, oo la ogyahay Dagaalka ay kula jiraan Dowladda, Qaraxyo hadii ay ahaan lahaayeen, Dilalka tooska ah iyo waliba weerarada caadiga ah ee la sameeyo, kana dhaca mararka qaar Muqdisho.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan wuxuu yahay mid is raacay oo aanay jirin falal ka baxsan ammaanka, Ciidamada Dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan ayaa shaqeynaya saacad kasta, iyaga oo ka feejigan amni daro.
W/D:- Abdirashiid Ali Dubbad