Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa wuxuu soo saaray digniin cusub oo la xiriirta dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho, kadib hadal uu siiyay Warbaahinta Dowladda.
Maxamed Abukar Islow, ayaa wuxuu digniin u diray Warbaahinta wuxuuna kaga digay inay faafiyaan warar been abuur ah oo sal iyo raad aanan laheyn, sida uu yiri.
Waxa kale uu digniin u diray Milkiilayaasha Hotelada ku yaalla Magaalada Muqdisho oo uu kaga digay in lagu qabto shirar aysan dowladda ka warqabin iyo shirar wax u dhimaya ammaanka Magaalada Muqdisho.
Wasiir Islow ayaa wuxuu sheegay in ujeedada aysan aheyn caburin, balse ay tahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho iyo ka hortagga falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka.
Isaga oo hadalka sii wata Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay hubka Magaalada lagu dhex wato, wuxuuna sheegay inay jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda oo aanan dhaqan gelin amarkii ahaa in aanan la wadan karin illaalo Afar Askari ka badan.
Wuxuu sheegay laga bilaabo maalinta berri ah, dhamaan masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya in laga doonayo inaysan ka xeysan wax ka badan Afar askari oo ciidamada dowladda ah, cidii lagu arkana tallaabo in laga qaadi doono.
Ugu dambeyn Wasiirka amniga ayaa sheegay askarta dowladda in aanan lagu dhex arki karin Magaalada gudaheeda iyaga oo aanan wadan wax darees ah, Askartii lagu arkana iyaga oo darees la’an ahna sharciga in la horgeyn doono.



