SAWIRRO: Barnaamijka Tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha oo ka socda Idaacadda Risaala

Barnaamijka Tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha ee Idaacadda Risaala ayaa maanta si rasmi uga bilowday  Xarunta Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana ka qeyb galaya gabdhaha Da’dooda ay ka hooseyso 25 sano jir.

Gabdhaha ayaa waxa ku tartamayaan 30-ka jus ee Quraanka Kariimka ah, waxaa Sanadkaan maalgalinaysa Shirkadda Waaberi Jumbo.

Maanta oo isniin ah waxaa ka qeyb galay Barnaamijka Saddex Gabdhood oo kala ah.

Salwo Maxamed Xuseen , Shukri Cabdulqaadir Muxyadiin iyo Aniso Cali Maxamed.

DSC_1127 DSC_1165 DSC_1156 DSC_1140 DSC_1104 DSC_1099