SAWIRRO: Tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha Idaacadda Risaala oo lasoo gabagabeeyay

Waxaa Saaka Xarunta Idaacadda Risaala lagu soo gabagabeeyay tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha ee Idaacadda Risaala oo xarunta Risaala ka bilowday Horaantii Bishaan Ramadaan.

Tartankaan oo ah Mid Idaacaddu ay qabato Bisha Ramadaan Sanadkaste waxaa ku tartama gabdhaha Soomaaliyeed ee Qur’aanka Xifdisan.

Gabdhaha ayaa waxa ay ku tartamaayeen 30-ka Jus ee Qur’aanka.

Saddexda Gabdhood ee tartanka ka galay Kaalimaha hore ayaa waxaa la siinaya Maalinta Berri ah Abaalmarin ay ugu tala gashay Shirkadda Waaberi Jumbo oo taaba gelinaysay Tartanka Qur’aanka Akhriska Gabdhaha ee Risaala.

Magacyadda Saddexda Gabdhood ee galay Kaalimaha Koowaad, Labaad iyo Saddexaad.

1.Hidaayo Sheekh Cali Maxamuud Kaalinta Koowaad

2.Faaiso Cusmaan Axmed Kaalinta Labaad

3.Deeqo Nuur Xasan Kaalinta Saddexaad.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi ayaa waxaa go’aansaday in uu Abaamarin siiyo labo Gabdhood oo Kaalinta Saddexaad kula tartamay Deeqo Nuur Xasan.

Agaasimaha ayaa abaalmarin lacageed iyo Kitaabo Qur’aan Guddoonsiiyay Labada gabdhood ee kala ah Faadumo Cabdiraxmaan Muuse iyo Sakiyo Maxamuud Cabdulqaadir, Maadaama ay muujiyeen dadaal badan loona baahan yahay in la dhiirageliyo.

Idaacadda Risaala ayaa ku caanbaxday Tartamada Qur’aanka iyo sidoo kale kuwa Maadiga ah, waxaana Idaacadda Abaalmarinta dadka guuleysta ay bixisaa Ciida ka hor si ay ugu ciideystaan.