Wafdi ka socda Xafiiska Ra`iisul Wasaaraha dalka Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa Maanta waxa ay gaareen magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga ayaa waxaa ay isugu jiraan, Xildhibaano, Agaasimeyaal iyo Wariyeyaal,kuwaas oo halkaasi hordhac ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ee la filayo in Saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaano (Koofi Casta) ama Koofi Gaduud ayaa ka mid ah waxa gaaray Magalada Kismaayo.
In kastoo Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha aysan shaacin ujeedka kheyre ee Magalada Kismaayo ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu qeyb ka yahay xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.




