Dhageyso:-Saameyn ka dhalatay xiisad ka taagan Magalada Boosaaso

Dhawaan amar kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa lagu sheegay in lagu xirayo suuqa kalluunka iyo marsada ee ku dhexyaalla dekedda Boosaaso,waxana arrintaasi ka dhalatay saameyn xoogan.

Qiimaha la iibiyo kalluunka ee Magalada Garoowe ayaa waxaa laga dareemay koror ku yimid sida ay sheegeen Ganacsatada kadib markii maalmihii la soo dhaafay aan halkaasi la geyn wax Kalluun ah.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay Magaalada Boosaaso uusan imaan wax kalluun ah,isla markaana Kiiladii Malaay ah ay gaartay lix Dollar halka markii hore ay aheyd 5 Dollar.

Sameyntaas ka dhalatay xeritaanka Marsada Kalluunka Magalalada Boosaaso ayaa aad Maanta looga dareemay Magalada Garoowe,waxaana Ganacsatada Kalluunka ay dalbadeen in suuqaasi dib loo furo.

Dad ka careysan xeritaanka Suuqaas ayaa labada Cisho ee la soo dhaafay waxaa ay banaanbax cabasho ah ka dhigeen Magalada Boosaaso, balse Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland uu sheegay in la xaliyay tabashadooda.

Dhageyso Codka qaar ka mid ah Ganacsatada Kalluunka Garoowe.