SAWIRO: Talyaaniga oo diyaarad siday Shixnad gargaar ah Muqdisho kasoo dejiyay

Diyaarad weyn oo sidda gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay Soomaaliya ayaa goor dhow soo gaartay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Gargaarka ay siday diyaaraddaan ka yimid dowladda Talyaaniga waxaana uu noqonayaa gurmadkii ugu horeeyay ee dowlad Yurub ah ay toos ugu wareejiso dowladda Soomaaliyeed.

Guddiga gurmadka Fatahaadaha ayaa garoonka Muqdisho kula wareegay deeqdaan ka timid dowladda talyaaniga, waxaana ay sheegeen in dhawaan la gaarsiin doono Magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday oo Beledweyne ugu weyn tahay.