Kaddib Colaadii Uu Jamaahiirta Ka Samaystay, Miyuu Granit Xhaka Toddobaadkan Arsenal Kusoo Laaban Doonaa

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay wax ku saabsan fursada khadka dhexe ee kooxdiisa ee Granit Xhaka uu kaga soo muuqan karo kulanka ay toddobaadkan soo dhawaynayaan Southampton.

Xhaka ayaan Arsenal u ciyaarin tan iyo markii uu muranku dhex maray jamaahiirta kooxda oo ay isku dhaceen kulankii ay Crystal Palace la yeesheen toddobaadyo kahor isagoo sidoo kale laga siibay masuuliyada kabtanimo ee kooxda.

Marka laga yimaado inuusan afartii kulan ee ugu dambeeyay u ciyaarin Gunners, Tababare Emery oo haatan wax laga weydiiyay haddii uu qayb ka noqon doono xiddigaha uu Saints ku wajahayo ayaa sheegay inay maanta oo Jimce ah go’aansan doonaan.

Dhinaca kale hadalka tababarihii hore ee PSG ayaa laga dhex akhrisanayaa in Xhaka uu haatan soo laaban karo maadaama oo uu sheegay inuu maskax ahaan sidii hore haatan ka wanaagsan yahay.

Unai oo arrimaha Granit ka warramaya ayaa yidhi “Jimcaha ayaanu go’aansan doonaa (Haddii uu kulanka Soutahmpton qayb ka noqonayo”.

“Waxa uu soo laabanayaa isagoo maskaxdiisu sidii hore ka fiican tahay, Aragtidiisa maskaxeed waa mid sidii hore ka wanaagsan si uu anaga noo cawiyo”.