Dowladda oo Guddi u saartay qabsoomida Muxaadarada Sheekh Umul

Dowladda Federaalka ayaa Guddi u xilsaartay qaban qaabada iyo qabsoomida Muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi Umul ku qabanayo Muqdisho.

Guddiga ayaa sidoo kale dib u dhigay Muxaaradda waxaana ay ka dhigeen maalinta Axadda ah ee soo socota.

Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska.

Qaar ka mid ah Culimadda Suufiyadda ee ku sugan Muqdisho ayaa kasoo horjeestay Muxaarada Sheekh, waxaana ay ugu baaqeen dowladda in ay joojiso.