Qaar ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow uusan ahayn mid ay la qabaan culimada Soomaaliyeed ee uu kaga hadlay Muxaadaro lagu wado in uu Muqdisho ku qabto Sheekh Umul.
“Hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow ma ahan mid u ku matalayo culimada ee waa kalima ra’yigiisa ah, haddii Sheekha uu wax tabanayo ama su’aal uu qabo waxay ahayd in uu culimada Soomaaliyeed la soo xiriira, Sheekha in uu ku degdego arrin noocaas ah ma ahayn”, ayuu yiri Sheekh Bashiir oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed.
Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay arrintan dhankiisa sheegay in eedeemaha loo heysto Sheekh Umal aysan waxba ka jirin oo aanan loo heynin wax cadeyn ah.
“Hadalada Sheekh Soomoow uu ka sheegay Sheekh Umal waxay dhaawacayaan wixii Sheekh Umal uu ka mudnaa Soomow iyo ummadda Soomaaliyeed iyo gargaarkii uu Sheekh Umal u fidiyay dadka Soomaaliyeed, Sheekhaa waxaa uu keenay 330 kun oo doolar oo uu soo uruuriyay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, Sheekh Soomow na waxaa uu meel uga dhacay dhaqanka Soomaalida”, ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.
Sheekh Soomow ayaa dhankiisa mar kale Jawaab ka bixiyay hadalka kasoo yeeray Culimadda Muqdisho, waxaana uu yiri “Anigu Umal waxaan ku heysto waa caqiiddo,warkeyguna gaf maahayn ee isagaa Nabiga NNKH u gafay oo caddeyn baan u hayaa,Sh.Bashiir iyo Sh.Cali-wajiis meeshay is-dhigeen waan ka xumahay ballantii la isku ogaa bay ka baxeen oo fikirkii lagu ballamay in dalka lagala dagaalamo bay dhiirrigalinayaan waana nasiib darro”