SAWIRO:-Soomaaliya oo dib u furtay machadkeeda diblomaasiyadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa  xariga ka jaray Machadka Diblomaasiyadda oo dib loo dhisay, iyadoo uu maalgeliyay Sanduuqa Qatar ee Horumarinta.

Mashruuca oo qaatay in ka badan muddo sanad ah ayaa waxaa la dhagax dhigay 18 August, 2018 , kadib furitaankiisa waxaa loo arkaa inuu yahay bilow cusub oo waayaha diblomaasiyadda Soomaaliya si loo tababaro jiil dhalinyaro soo baxaysa oo awood u leh la falgalka arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka. Dhismahii hore ee weynaa ee Machadka iyo Maktabaddiisii ayaa waxa ay weli hooy iyo gabaad u yihiin tobaneeyo qoys oo barakacayaal ah oo muddo 28 sano deegaan u ah kadib qaran burburkii dalka.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta , Maalgeshiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha, Mudane Danjire Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, qaar ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka iyo safiirrada laga aqoonsan yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadal uu ka jeediyay xafladda furitaanka ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu carabka ku adkeeyay in howsha dib u dhiska Machadka diblomaasiyadda ay tusmo cad u tahay tallaabooyinka waa weyn ee Soomaaliya ay u qaadday dib u dhiska hey’adaha dowladeed ee ku burburay dagaallada sokeeye, iyadoo lala kaashanayo dowladaha walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada caalamiga, waxa uu uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada mashruucan guulaystay, isagoo tilmaamay kaalinta Shiinaha uu ka qaatay dib u dhiska iyo qalabaynta xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda. waxa uu carabaabay tixgelinta iyo mudnaanta uu u hayo dowladaha Turkiga iyo Sweden oo tababaro u fidiya diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka waxa uu abaal-marin xusuus leh uu guddoonsiiyay wakiilka Sanduuqa Qatar ee Horumarinta, Mudane Mohamed Ahmed Al-imadi, iyadoo sidoo kale shahaado sharaf uu guddoonsiiyay Safiirka Qatar Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim.

Dowladda Qatar ayaa ka fulinaysa Soomaaliya dhowr mashaariic oo waxgal leh , faaidana u leh bulshada, xilli ay ku horeyso kaalmaynta shacabka xilliyada adag ee ay dhacaan masiibooyin dabiici ah.