SAWIRO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiiro

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa hallaasi kulamo kala duwan Kula qaatay Safiiro iyo Qaar ka mid ah deeqbixiyeyaasha.

Laftagareen ayaa maanta la kulmay safiiro ku xigeenka dalka Germeny Markos Mallmohr, DFID deeq bixiyaal Ingariis ah howlo badan ka wada Somalia, USAID ,EU Ambassador iyo World Bank country director.

Waxaa uu sheegay in ay  ka wada-hadleen sidii ay u garab istaagi lahaayeen Arimaha Hormarinta Magaaloyinka iyo Dhismaha Wadooyinka iyo Gacansiinta Hay’addaha Amniga gaar’ahaan Booliska Koonfur Galbeed.