Kheyre:”Maxay ciidamadu u kala tegi waayeen”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa farriin u diray Ciidamaddii dhawaan kasoo baxay gobolada Shabeellooyinka.

Kheyre ayaa canaantay Ciidanka dowladda oo uu sheegay in aysan dulqaadan inta yar ee ay socoto diwaangalinto.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay waxa la isku haysto inay tahay in la doonayo in dad kale ay qaadaan mushaaraadka ciidamada taasina uusan yeeleyn inta uu xilka hayo.

“Askari walba waa inuu joogaa meeshii lagu diiwaangeliyay lacagtana ay dowladu ku siiso oo aysan jirin cid kale oo idiin dhexeyneysa mushaarka iyo raashinkaagana aan kuguu soo shubeyno accounkaaga.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Kuwaa waxay leeyihiin labo bilood oo wax la saxaayo ayaa mushaaraadka naga maqan yihiin maxay u kala tegi waayeen xilli ay ka maqneyd sagaal bilood iyo muddo sanad ah aysan mushaar qaadan.”ayuu yiri markale Ra’iisul Wasaare Kheyre.