Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas,halkaas oo uu ka maqnaa bilihii ugu dambeeyey.
Waare ayaa Safaro uu ku kala tegay Magaalooyinka Beledweyne,Muqdisho, iyo Nairobi ee Dalka Kenya,isaga oo kulamo la qaatay mas’uuliyin kala duwan.
Maxamed Cabdi Waare ayaa Magalada muqdisho intii uu ku sugnaa waxa uu kulan la qaatay Safiirada Dowladaha Ingiriiska, iyo Mareykanka Ee Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE, iyo Ambassador Donald Yamamoto,isaga oo kala hadlay sidii xal waara looga gaari Lahaa fatahaadda ku soo noq noqday Magaalada Beledweyne iyo deegaanno ka mid Hirshabelle
Sidoo kale intii uu ka maqnaa Jowhar Madaxweyne Waare waxaa uu tegay Mgalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan,isaga oo ka qeyb qaatay gurmad loo sameynayay dadka uu saameeyey fatahaada wabiga Shabeelle.