SAWIRO:-Hay’ad Caalami ah oo gawaari ku wareejisay Baarlamaanka Puntland

Hay’adda UNDP ayaa Maanta oo Axad ah taariikhduna ay ku began tahay 29/09/2019 waxaa ay Afar Gaari ku wareejisay Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Puntland,iyada oo uu kala wareegay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Afarta Gaari oo noocuudu yahay Toyota HILUX ayaa kamid ah mashruuca Taageerada Baarlamaanka (Parliament Support Project,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ku wareejiyay Kusimaha Madaxa Xafiiska Hay’adda UNDP Garoowe Md. Muuse Ducaale.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Magalada Garoowe ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),waxaana uu Hay’adda UNDP uu uga mahad celiyay taageerada ay Maanta siiyeen.