Manchester United oo qorsheyneysa inay lasoo wareegto Christian Eriksen

United ayaa isku dayday saxiixa Eriksen xagaagan laakiin kuma qancin inuu ciyaaryahanka uu usoo dhaqaaqo Old Trafford.

Xiddiga reer Denmark ayaa loo maleynayaa inuu door bidayo u dhaqaaqista Spain, iyadoo Real Madrid iyo Atletico Madrid lagu xusayo inay yihiin kooxaha ugu macquulsan ee uu ku biiri kaay ka hor inta uusan xirmin suuqa Yurub bilowga bisha Sebtember.

Si kastaba ha ahaatee, Shabakadda Goal ayaa soo warineysa in United aysan weli ka quusan rajadii ay ka qabto inay tijaabiso xiddigaa Spurs.

Eriksen ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga soo socda sidaas darteed waxaa laga yaabaa inuu diyaar u noqdo qiimo jaban inuu ku baxo bisha Janaayo.

United ayaa diyaar u ah inay dib ugu soo celiso Ole Gunnar Solskjaer suuqa kala iibsiga ka dib markii kooxdu ay ku bilaabatay si hoose y xilli ciyaareedka 2019/20.

Iyadoo gudoomiyaha Spurs Daniel Levy uu doonayo inuu ka fogaado mid ka mid ah xiddigihiisa inay si bilaash ah ku baxaan dhamaadka bisha Jun e, United waxay dareemeysaa fursad inay tahay taas.

Red Devils ayaa diyaar u aheyd inay bixiso 70 milyan oo ginni si ay hesho ciyaaryahankii hore ee Ajax suuqii xagag, inkastoo laga yaabo inay qiimaha hoos u dhigti marka la gaaro bisha Janaayo.

Si kastaba, Eriksen ayay u badan tahay inuu u dhaqaaqo Urd hadii Red Devills ay ku dhameystaan afarta sare ee horyaaalka xili ciyaaeedkaan.