Tababaraha reer Portugal Jose ayaa ku guuleystay La Liga iyo Copa del Rey seddexdii xilli ciyaareed ee uu joogay Santiago Bernabeu intii u dhaxeysay 2010 iyo 2013.
Wuxuu ka tagay caasimada Spain markii ay isku dhaceen Iker Casillas iyo Sergio Ramos.
Sikastaba, Goal ayaa soo warineysa in Mourinho uu haatan doonayo inuu mar kale la wareego shaqadaan madaama uu qorsheynayo inuu ku laabto maamulka kubadda cagta.
56 jirkan ayaa shaqada ka maqan tan iyo markii laga ceyriyay Manchester United bishii December ee lasoo dhaafay.
Tababarihii hore ee Chelsea iyo Inter ayaa helay dalabyo badan inta uu maqna yahay, laakiin midkoodna ma qancin.
Intii u dhaxeysay May iyo Sebtember, Mourinho wuxuu iska diiday inuu mamaulo kooxaha AC Milan, Wolfsburg, Schalke, Monaco iyo Lille.
Tababaraha ku guuleystay labada jeer Champions League ayaa rumeysan inuu weli awoodo u leeyahay inuu ku guuleysto heerka ugu sarreeya sidaasi darteedna uu heysto awood uu ku maamuli karo mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub.
PSG, Juventus iyo Bayern Munich ayaa ah seddex koox oo xiiseynayay Mourinho, kaasoo sidoo kale u furan unuu u dhaqaaqo Tottenham hadii Mauricio Pochettino uu ka tago horaantii sanadkan.
Sikastaba, PSG iyo Bayern ayaa go’aansaday inay aaminaad siiyaan Thomas Tuchel iyo Niko Kovac siday u kala horreeyaan, halka Juventus ay dooratay inay lasoo wareegto Maurizio Sarri kadib bixitaankii Max Allegri.
Mourinho kuma uusan quusan wali rabitaanka uu ugu laabanyo Real Madrid madaaama xiriir fiican uu la leeyaahay madaxweynaha kooxda Florentino Perez..
Zinedine Zidane ayaa ku soo laabtay Bernabeu ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkii 2017/18 laakiin wali wuxuu u muuqdaa mid caqabado kala kulmaya shaqadiisa.



