Saraakiisha Koonfur Galbeed oo sheegay in ay dileen 4 Shabaab ah

Baay-RisaalaFM- Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab ayaa maanta waxa ay ku dgaalameen degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ku la haayeen degmada Bardaale.

Saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ee dagaalkan hogaaminaysay ayaa sheegay in ay dileen 4 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Xaalada goobtii lagu dagaalamay ayaa hada ah mid degan inkastoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in dagaal kale uu dib uqarxo.