Salah: Shaqsiyadeyda waxaa ka weyn Liverpool

Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa sheegay inuu mudnaanta  koowaad siinayo kooxdiisa, isagoo sheegay in xilli ciyaareedkii hore uu ahaa mid wanaagsan, laakiin haatan ay doonayaan inay ku guuleystaan Premier League.

Inkastoo uu si tartiib tartiib ah u bilowday ololaha xili ciyaareedkaan, Mo Salah ayaa sii wata inuu qeyb libaax leh ka ciyaaro horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Isagoo kaashanaya Roberto Firmino iyo Sadio Mane,

xiddiga heerka caalami ee dalka Masar ayaa argagax geliyay daafacayada horyaalka England, isagoo ka caawiyay kooxda Jurgen Klopp inay hogaanka u heyso horyaalka Premier League.

Weeraryahankii hore ee Chelsea ayaa helay abaalmarin shaqsiyadeed tan iyo markii uu ku biiray kooxda Merseyside.

Salah ayaa sheegay in markaan uu dirada saari doono waxqabadka kooxdiisa, islamarkaana uu iska ilaawi doono heerkiisa shaqsi ahaaneyd.