Garoowe-RisaalaFM- Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta ka qayb galay isu soo bax Roob doon ah oo ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland ayaa Salaadda ka dib wuxuu Alle uga baryay in uu ummaddiisa ka dul qaado Abaarta iyo Colaadda, isla markaana uu Caafimaad siiyo inta xanuusan.
C/wali Gaas, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dhammaan umadda Muslimka ah ay Ilaahay u noqdaan isla markaana ay ka tanaasulaan wax kasta oo looga fogaan karo wanaagga iyo khayrka, wuxuuna Alle ka baryay Roob aan wax yeelin Dadka iyo Duunyada.
Degaanada Puntland ayaa in dhowaalaba waxaa ka taagnaa Abaaro Lixaad leh oo saameeyay Dad iyo Duunyo, waxaana haatan soconaya gurmadyo ku aaddan sidii loo samata bixin lahaa.



