Muqdisho-RisaalaFM- Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Macalimiin, Arday iyo xubno kale ayaa waxaa lagu xusayay Maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed.
Munsaabadan oo lagu xusayay maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka November ayaa waxaa soo agaasimtay Wasaaradda Waxbarshada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka C/laahi Bile Nuur oo goobta khudbad kooban ka jeediyay ayaa wuxuu sheegay in aqoonta aysan sii soconeyn hadii aan la hormarin.
C/laahi Bile Nuur Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in la helo manhaj iyo macalimiin Soomaaliyeed.
Sanad walba marka la gaaro 21-ka November waxaa Dalka laga xusaa maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo ku beegan, waxaana la fasaxaa goobaha waxbarsho ee ku yaalla Dalka.


