DHAGEYSO: Jubbaland oo balan qaad u sameysay Ardada Dhadhaab ka soo laabatay

Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu sheegay in waxbarasho lacag la’aan ah uu siinayo Ardada ka soo laabatay xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Wasiirka Waxbarashada Maamulka Jubbaland Macalin Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Maamulka Jubbaland in uu wado qorshe waxbarasho lacag la’aan ah lagu siinayo caruurta laga keenay Dhadhaab ee hada ku sugan Degaanada Jubbaland.

Wuxuu sheegay Qaxootiga soo laabtay in ay heystaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin hooy la’aan, caafimaad daro iyo Waxbrasho la’aan, balse wuxuu sheegay Maamulka Jubbaland in uu iska xilsaaay sidii caruurtaasi ay ku heli lahaayeen waxbarasho lacag la’aan ah.

Qaxooti badan oo ka soo laabtay xerada Dhadhaab ayaa hada waxa ay ku sugan yihiin Degaanada Jubbaland, kuwaas oo aan heysan nolol maalmeed ku filan.