Daafaca kooxda Manchester City Bacary Sagna ayaa amaanay ninka ay isku wadanka kaso jeedaan ee Martial ka hor kulanka Manchester derby ee caawa.
Bacary Sagna waxa uu ka digay in ciyaaryahanka da’da yar dhibaato kasta laga filan karo ciyaarta labada Manchester caawa ku kulmayaan.
Martial ayaa ayaa xili ciyared isku qasan qadanaya kadib markii uu ugu soo dhaqaaqay Premier League £36 milyan maalintii ugu danbeysay suuqa kooxda Old Trafford.
Waxa uu dhaliyay kaliya daqiiqo ka dib markii uu saftay kulankiisii ugu horeeyay ee United gool isagoo wajahay Liverpool bishii September,
Martial oo dhaliyay shan gool afartii kulan ee ugu horeysay Manchester United, laakiin yarkaan ayaa waxaa kulamo isku qasan kadib qaatay.
Laakiin Sagna, ayaa u arkaya ninka ay isku wadanka yihiin midka ugu halista badan kulanka Manchester Derby.


