Degmada Buur-hakaba oo ka mid ah degmooyinka ku yaalla gobolka Bay ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalado biyo yari ah.
Dad qaar ayaa waxa ay sheegayaan in biyaha ay udoontaan meel qiyaastii degmada u jirta 20km degmada, iyadoo ceelalka ku yaallay degmada ay gureen.
Biyo yaridan soo wajahday degmada Buur-hakaba ayaa waxa ay saameysay dadka iyo duunyada ku nool degmadaasi.
Waxaana arintaasi ka hadlay mid ka mid odayaasha ka soo jeeda degmada Buur-hakaba.
Arintani ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli dhowaan wasaaradda arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed ay isbedel ku sameysay maamulka degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.


