Saddex qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday UK

Saddex qof ayaa ku dhinmatay toogasho ka dhacday magaalada Lincolnshire ee boqortooyada Ingiriiska.

Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in ay toogashadu ka dhacay meel lagu dabaasho oo ku dhow magaalada  Lincolnshire.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in ay jiraan falal muujinaya argagixiso in ay ka dambeeyeen falkaasi.

Wali faahfaahin rasmi ah  lagama hayo sababta keentay dilkaas laakiin ciidanka ayaa sheegay in ay baarayaan ayna gacanta kusoo dhigi doonaan cidkaste oo ku lug yeelata arintaasi.