Midowga Afrika oo sheegay inay qalabeynayaan ciidamada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa sheegay in  ay diyaar u yihiin qalabeynta iyo sidoo kale tababarida ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka hor inta aysan AMISOM ka bixin gudaha dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha midowga Afrika ee ammaanka iyo nabadgeliyada Ismaaciil Chergui ayaa sheegay in hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ka baxayaan Soomaaliya, sidaas darteedna ay dardargelin doonaan tababarida iyo sidoo kale qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay AMISOM uga la wareegaan ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

” Waxaan qorshaynaynaa inaan tababarno ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka hor inta aysan AMISOM ka bixin dalka Soomaaliya” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga  Midowga Afrika ee ammaanka iyo nabadgeliyada Ismaaciil Chergui.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee ammaanka iyo nabadgeliyada Ismaaciil Chergui ayaa intaas ku sii daray in ay muhiim tahay in la shaqeeya nabad geliyada Soomaaliya.

“Waxaan u baahanahay Soomaaliya oo nabad ah iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha ee dhammaan muwaadiniinta , ” ayuu yiri Chergui .

Soomaaliya waxaa ka howlgala ciidamo badan oo ka socda dalalka qaarada Afrika qaarkood, waxaana ciidamadaasi ay sheegeen in ay Soomaaliya ka baxayaan marka la gaaro 2018.