Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson wuxuu ka farxiyay jamaahiirta Chelsea isagoo aaminsan iney caawa u dabaal dagi karaan hanashada horyaalka Premier League madama uu guul ka siiyay kulanka ay caawa booqan doonaan West Brom.
Halyeeygii hore Liverpool wuxuu qabaa in Reds ay xaalad xun gali doonto madama uu u saadaliyay barbardhac waxeyna keeneysaa in booskeeda Champions League uu halis galo, Reds waxey booqan doontaa West Ham oo ah kooxdii dhibaateysay Tottenham Hotspur.
Dhanka kale Lawro wax guul ah ma siinin Manchester United kulanka ay axadda la ciyaareyso Tottenham Hotspur wuxuuna qabaa in laga adkaan doono.
Arsenal iyo Manchester City ayuu guulo siiyay taasoo ka dhigan iney wali nooleynayaan tartanka afarta sare kaas oo xiiso gooni ah leh xili ciyaareedkaan.
KULAMADA JIMCAHA
West Brom 0-2 Chelsea
Everton 2-0 Watford
KULAMADA SABTIDA:
Manchester City 2-0 Leicester
Bournemouth 1-1 Burnley
Middlesbrough 1-2 Southampton
Sunderland 1-1 Swansea
Stoke 0-2 Arsenal
KULAMADA AXADDA
Crystal Palace 1-1 HullCity
West Ham 1-1 Liverpool
Tottenham 2-1 Man United



