Muxuu Tababare Jose Mourinho Ka Yiri Barbardhacii Celta Vigo ?

Jose Mourinho ayaa qiray in Celta Vigo ay xanuujisay kooxdiisa ilaa dhamaadka ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay kulankii xiisaha lahaa ee ka dhacay garonka Old Trafford.

Marouane Fellaini ayaa hogaanka u dhiibay Red Devils qeybtii hore ciyaarta markii uu madaxeyay kubad uu geesta ka keenay Rashford, balse farxadii jamaahiirta waxaa dhexda u galay Roncaglia oo dhamaadkii ciyaarta neefta kusoo celiyay Celta Vigo sidoo kalana ciriiri galiyay kooxdii martida loo ahaa.

Eric Bailly iyo Facundo Roncaglia ayaa laga saaray kulanka markii ay ka qeyb qaateen fowdadii ka dhacday Old Trafford.

John Guidetti ayaa wadnaha istaajin gaaray jamaahiirta United kaas oo ilbiriqsigii ugu dambeeyay ku fashilmay inuu dhameystiro kubad gool u muuqatay, balse ugu dambeyntii United ayaa iska xaadirisay final-ka tartanka Europa League.

“Waxaan aheyn kooxda fiicneed qeybtii hore ciyaarta, balse marnaba maba dilno ciyaarta” Ayuu Jose Mourinho u sheegay BT Sport.

“Marnaba ma dhalino goolasha la xiriira fursadaha aan helno, waxey aheyd kulan furan oo minankena ah, cadaadiska oo dhan wuxuu saarnaa dhankeena”

“Gabi ahaanba xor ayey u ahaayeen masuuliyadda kulanka waxeyna na siiyeen ciyaar aad u adag, waan dhibaatoonay ilaa dhamaadka, waxeyna aheyd mid furan ciyaarta ilaa ilbiriqsigii ugu dambeeyay. balse wiilasha waxey bixiyeen dadaal walba, waana ku faraxsanahay”

“Hadda, 14-kulan kadib waxaan joognaa final-ka, hadii aan ku guuleysano Europa League waan kusii farxi doonaa waxey ahaan laheyd mid cajiib ah”

Dhanka kale Jose Mourinho ayaa ka hadlay kaarkii casaa ee lagu abaalmariyay Eric Bailly kaas oo seegaya final-ka Europa League.