DHAGEYSO: Dowladda oo xadiday Hubka ay isticmaali karaan masulliyiinta DF

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xadiday Hubka masuuliyiinta Dowladda Federaalka ay ku dhex wadan karaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yariisow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Qofkasta oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta Dowladda in loo ogol yahay keliya ilaalo ahaan in ay u wadan karaan Afar Askari.

Sidoo kale C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay ilaalada masuuliiyiinta Dowladda in aysan qaadan karin Qori ka weyn AK-47.

Wasiir Yariisow ayaa ujeedka amarkan waxa uu ku sheegay sidii shacabka looga ilaalin lahaa cabsi gelin ay ka dareemaan dhanka ammaanka.