Kuwani waa bogag dibedda ah, waxayna ku furmayaan bog cusub La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Email La wadaag
Milateriga ThailandLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Dowlada milateriga ee Thailand ayaa u qabatay shirkada Facebook ilaa iyo talaadada soo socota in ay shabakadooda kaga saaraan fariin ka soo horjeeda boqortooyada Thailand, haddii kale ay wajahi doonaan ciqaab.
Masuuliyiinta waxa ay doonayaan in barta bulshada laga saaro 130 fariimood. .
Thailand waxa ay leedahay sharci addag oo ilaaliya sharafta boqortooyada oo aan xitaa ogolayn dhaleeceeyn aad u fudud.
Sharcigaas waxaa si adag loo dhaqan geliyay intii uu jiray maamulka milateriga ahaa ee awooda kula wareegay inqilaabka milateri sedex sano ka hor .
Shirkadda Facebook waxay sheegtay in ay ka baarandegayaan codsiga ka yimid dowlada ee ah in la xayiro waxyaabahaas ayna fulin doonaan hadii ay cadaato in ay xad gudub ku yihiin qaanuunka dalkaa u yaal.



