Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga mahadcelinaayo xilkan cusub ee uu u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.
Waxa uu sheegay isaga oo aad uga fakaraya waajibka saaran ee ah dadkiisa, dalkiisa in uu si hufan oo si habsami leh u[la shaqeyn doono Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay xilkan in uu yahay mid aad u adag.
Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ansixinta Baarlamaanka Ra’iisal Wasaaraha cusub kadib uu soo dhisi doono Xukuumad ka turjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyed,wuxuuna shacabka Somaliyed ka codsanaayo inay la shaqeeyaan.
Wuxuu tilmaamay marxalada dalka uu maraayo inay tahay mid adag, dadka Soomaaliyeedna ay u baahan yihiin Dowlad ka saarta dhibaatada.


