DHAGEYSO: Gen. Xaamud “Hadalkii December Qalad iga dhacay ayuu ahaa”

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka hadlay hadal uu Bishii December ka sheegay goob Xaflad ay ka socotay oo uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud intii uu ololaha ku jiray ugu bishaareeyay in saddex Xildhibaan oo Booliska Soomaaliya ka tirsanaa codadkooda ay siinayan.

Waxa uu xilligaas si cad u sheegay in codadka 3 Xildhibaan ee ka tirsanaa Taliska Booliiska Soomaaliya ay u codeynayaan Xasan Sheekh Maxamuud, Warbaahinta horteedana ka balan qaday 3 Cod.

Taliye Xaamud ayaa hadda sheegaya in markii uu hadalkaas ku dhawaaqayay uu faraxsanaa islamarkaana  uu ka dhacay hadal qadaf ah sida uu yiri hadana uu raali gelin ka bixinayo.

Waxa uu sheegay in sida uu hadalka u yiri iyo sida loo dhigay aysan isku mid ahayn, waxa uuna xusay in si kale loo turjumay hadalkiisa.