DHAGEYSO: UK oo taageereysa Ciidanka DF

Baydhabo-RisaalaFM- Dowladda Britain ayaa waxa ay sheegtay Soomaaliya in ay ka taageereyso tababarka iyo qalabeynta Ciidamada xoogga ee jooga Degaanada Koonfur Galbeed.

Shalay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa gaaray safiirka Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya, isago kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidamada xoogga ee Gobolada Baay iyo Bakool iyo safiirka Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Dowladda Britain ay u taageeri laheyd Ciidamada xoogga gaar ahaan kuwa ku sugan Gobolada Baay iyo Bakool.

General Ibraahim Aadan Yarow Taliyaha Ciidamada xoogga ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa sheegay Dowladda Britain in ay u gudbiyeen baahiyo kala duwan oo ay qabaan Ciidamada Xoogga Dalka.

Waxa uu sheegay General Ibraahim hadii Ciidamada xooga ay heli lahaayeen Qalab iyo baahiyaha gaarka ah ee ay u baahan yihiin, in ay ka adkaan lahaayeen Dagaalka ay Shabaab kula jiraan, sidoo kalena ay ka xureyn lahaayeen Degaanada iyo Degmooyinka Dalka.