Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo ay wehliyaan wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Sheekh, Cali Diini iyo Abaandhuullaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa kulankii ugu horeeyey waxa uu la qaatay safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.
kulanka ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo safiirka Maraykanka ee Somaaliya waxa ay kaga hadleen hufnaanta iyo ilaalintasinanta Doorashooyinka dalka ka socda amniga Guud ee dalka iyo sii adkaynta xariirka labada dal.
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in dowladda Soomaaliya gacan ka siiso hirgalinta doorashooyinka iyo adkaynta xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.
Ra’iisul wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa dowladda Maraykanka uga mahadceliyey tageeradda ay Soomaaliya la garab tagan tahay Soomaaliyana ay Cagta saartay wadadii Guusha iyo Horumarka .
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan la qaatay safiir ku xigeenka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ahna siiyaha Safiirka, waxa ayna kaga wada hadleen kulanka arrimaha doorashooyinka dalka sidii ay gacan kaga gaysan lahayd dowladda ingiriisu ammaanka guud ee dalka iyo xariirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.
Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Sheekh, Cali Diini ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka dhexmaray R/wasaaraha iyo Safiirada.



