Magacyada xubnaha lagu doortay Cadaado

Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose.

Doorashadan oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa maanta la doortay ilaa Saddex Mudane oo ka mid noqday Baarlamaanka cusub.

Xubnaha maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Galmudug Warsame Maxamed Xasan (Joodax) iyo C/kariin Khaliif Cabdi (Dhalac).

Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay ka sii socoto Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug.